Monday 5 October 2015

KOR BAAAN IDINKA SALAAMAY..... 
ummad kasta oo caalamka ku nool waxay leedahay ‪#‎dhaqan‬ iyo hido u gaara oo looga sooco bulsho waynta kale ee caalmaka .sidaa darteed waxay ummad kasta isku daydaa sidii ay u suuq gayn lahayd dhaqankeeda ugna gadi lahayd ummadaha kale .....
iyadoo intaas oo dhan ay jirto baad moodaa in dadka qurbaha ku nool ay iska indho tiraan bal iska daaye ay isgu faanaan dhaqamada ummadaha kale ......
anigoo iska saarayn dadkaas gatay dhaqankooda baan jecalahy in aan qiso i qabsaty idiin soo gudbiyo:
waa subax aroora sanad dugsiyeedka cusub waa maalintii ugu horaysay oo ay bilaabanaysay daraasadu waan kasoo daahay waqtigii saxda ahaa ee muxaadara (luctures), daal iyo caajis badan baa iga muuqda waxaa ii sii dheer xanuun aan dareemayey subaxaas , waxaan soo galay qaacada (hallka) waxaa fadhiya jamaahir aan ku qiyaasay boqol iyo siyaado waxaan ku soo aaday waqti macalinku ka baxay muxaadarada koobaad , waxaan bilaabay in aan salaamo qof qof jamaahiirtii fadhiday meesha, ILLAHY amarki , waa salaan suudanays kaalay bal adugu dhamee saacad bay kuu ducaynayaa adana la wad ducada , waxaa kuu sii dheer garaac iyo salaan aan la iska gurayn , markii aan toboneeyo ka faraxashy baan daalay OO NAFTII iskugu kay timid jamaahiir badana ay isugayaan , waxaa igu soo dhacay qorshe cusub oo aan salaanta ku dhamaysan karo iyadoo aan la iga xumaan maadaama aan wadan dhan kaligay matalayo waxaan soo is taagay ardayda horteeda waxaan hadalkaygii ku soo koobaay :
KOR‬ BAAN IDINKA SALAAMAY DHALINAYRO waan idiiin xiisay , sanad dugsiyeed wacan baan idiin rajaynayaa ..
tan iyo maalintaas wixii ka danbeeyey kaygaan haysataa oo iskuma dhibin mid aanan ka bixi karin waxaan ku dadaalaa in aan kayga ka dhaadhiciyo akhyaarta kale idinka waan idiin rajaynayaa .....
Abdirizak sh Ahmed Dahir( mu'aad)

1 comment: