Monday 5 October 2015

Kalsoonidu waa ibbofurka qabsashada waxkasta iyo dhaqaajiyaha doonista nafta .Hadii aadan lahayn kalsooni way kugu adkaanaysaa in aad qiimayseo awood gudeedka Illahy ku siiyey .
Qofka aad tahay waa dhadhanka dhabta ah ee jiritaankaaga iyo ahaanshahaaga . Jiritaankaaguna waxa uu noqonkaraa sadex mid uun , mid ruuxeed , mid maskaxeed, iyo mid dareen ama jidheed......
Dhiirigalinta bani aadamka aad dhiiri galiso waxay ka dhigantahy kicinta dareemayaasha awoodaha u leh in ay cariyaan unugyada ku shaqso leh dareemida shakhsiyadaada .
Mohamed Quruf Oo ah tababare nololeed mar uu sharaxayey qiimaha ay kalsoonidu leedahay waxaa uu yidhi
""Shaqsi bilaa kalsooni ahi waxa uu ka dhiganyahy Gaari bilaa shidaal ah , macquul noqonayso in uu socdo , xitaa hadii aad riixdo inbadan gaari karimaayo halka ay tiigsadaan kuwa la mid ka ahi "
Ku kalsoonow naftaada waa isticmaal awoodaha tirro beelka ah ee Illahy kugu manaystay .
Lucky Aadan Yuusuf Cooraaf hal abuurad Da' yar oo aan aad xushmeeyo mar ay la hadlaysay hablaha dhigeeda ah oo ay hareeyeen kalsooni darada ay ku qabaan midabkooda dahabiga ah baan ka hayaa eryadaan cajiibka ah ..
Dhili maayo dushayda
Siibi maayo dubkayga
Diidi maayo habkayga
Daayin caasiyi mayo
Waxay diintu nacayso
weligay dugsan maayo
.....
Cabdirisaaq sh axmed dahir (mucaad)

No comments:

Post a Comment