Monday 5 October 2015

Guuldarada ma jecli innaba lkn waxaan madaxa iyo maankaba u ruxaa marka la iiga sheekaynayo dadkii noloshooda guulaha ka gaadhay.
Waan ogsoonahy in uu san jirin shaqsi u darban guuldaro laakiin waxaan aaminsanahy in aysan jirin ashkhaas lagu xudumy guul iyo guuldaraba.
Muuminka waxa ku dhaca oo dhan waa khayr haduu guulaysto iyo haduu guuldaraystaba sida diintu noo sheegtay .
Hadaad guulaysato Rabbi baad mahdin haday kuu noqonwaydanna wixii Illahy kula rabay bay noqon. ILLAHY adoomadiisa xumaan lama doono iyaduna waa bishaaro kale ee dhab u xasuusnow.
Kubbadu waxay sara u kacdaa marka lagu dhufto dhulka si sidaas la mida falaarta hadii aadan xargaha dib loogu celin ma tiigsato kobtaad la rabtay . Aaan si kale u dhahee guuldaraduba waa awood hilin cad u jeexaysa guusha ..

No comments:

Post a Comment