Monday 5 October 2015

Dagaalka ugu culus oo maanta dunidu ku jirtaa waa kan ku salaysan afkaarta , in ay guulaystaan waxa aad aaminsantahay waa tan kaa dhigaysa in aad tahay hugaamiye dhaba . Guuldaraduse waxaa kuugu filan in aad noqoto xanbaare fikrado lagu shubay oo aysan ka dhaadhacsanayn ulajeedkoodu . dadka iyaga oo indho qudha wada leh oo isku mida hadana ma jiraan laba shaqsi oo isku si wax u arka.
Cabitaanada qaari awood uma lahan in ay ku haraad tiraan cunooyinka qaarna kuma dharjin karaan , dariiq kastana maahan kan ku gaarsiinaya halka aad rabto , fikradaha qaarna maahan kuwo ku siinaya Natiijada saxda ah .
Waxyaalaha ugu wayn ee kugu kalifa in aad xambaarto qof kale fikirkiisa waa un jahli iyo ina adeerkiis ; kuwaa ku odhanaya shaqsi hebel baa saas qaba , kuwo kalana shiikh hebel waxa uu aaminsanyhy .... Iwm ; ogow se kuwaase waa dhabarjabiyayaal raba in u ay kuu loogaan cadowgaaga Adigoon irdhayn diintaada aaasayna dhaqankaaga , ayaad naqon kartaa shaqsi isku filnaansho ka gaaray fikirkiisa .
Afkaarta caalimka carbeedi maahan mid ka ajar badan kuwa reer galbeedka . Fasax fikirka maskaxdaada fadhiya .
Cabdirizaq axmed-dahir ‪#‎mucaad‬

No comments:

Post a Comment